Ka Haajiridda Quraanka

Waxaa diyaariyey
Imaam maxamed Caaqil

Waayadaaan dambe waxaad moodaa dadka muslimiinta ah in ay ka tageen kitaabkii quraanka ahaa. Umadda muslimiintu haday ay u noqon lahaayeen kitaabka quraanka way liibaani lahaayeen, waxayna ka bixi lahaayeen dhibta manta haysata, sida nabiga calayhi salaatu wa salaam uu xadiis dhexdiis ku yiri ilaahay dulli idinka saari maayo ilaa aad u noqotaan diintiina. In laga tago quraanka macnaheedu waxaa weeye in aadan akhrin, in aadan dhagaysan, inaadan ku dhaqmin, in aan layku xukumin, iyo in laga tago tadaburkiisa ama loo leexdo waxyaalo kale. Aan ku horayno camal fal la’aanta quraanka, wuxuu allaah subxaanahu wa tacaalaa leeyahay {Miyeydan ahayn kuwo lagu akhriyay aayadahayga ka dibna aad beeniseen}. Walaalayaal qofka quraanka bartay oo aan ku camal falin, maalinta qiyaamaha wuxuu ku noqdaa mud ku markhaanti fura. Wuxuu nabiga nabad gelyo iyo naxariis korkisa ha ahaatee yiri “quraanku waa kuu doodaa maalinta qiyaamaha oo alle agtiisa ayuu markhaanti kuugu noqdaa inan akhrin jirtay oo ku dhaqmi jirtay. Ama wuu kugu doodaa oo allaah agtiisa ayuu markhaanti kuugu noqdaa inaad dayici jirtay quraanka. QURAANKA OO AAN LA ISKU XUKUMIN Quraanka oo aan laysku xukumini waxay ka mid tahay dunuubta waa wayn oo dadka u keena inay diinta uga baxaan. Alaah subxaanahu wa tacaalaa wuxuu yiri {cidii aan wax ku xukumin waxaan soo dejinay kuwaasi waa kuwa gaaloobay}. Quraanka ooaan laysku xukumin wuxuu la mid yahay inaad ka tagtay ama ka hijrootay quraanka. Aayad kale allaah wuxuu ku leeyahay { sidaas ayaan ku soo dejinay xukun carabi ah } QURANKA OO AAN LAGU TADABURIN AMA LAGU KHUSHUUCIN Qofku haddii uu ka tago fahamka, ku fakarka iyo ku khushuucidda quraanka waxay la mind tahay isagoo ka haajiray. Allaah subxaanahu wa tacaalaa wuxuu yiri { Miyaysan fiirfiirinayn quraanka oo ay ku fakerayn, haddii uu ka imaan lahaa cid aan alla ahayn waxay ka heli lahaayeen in uu quraanku iska horyimaado (an-nisaa 82)}. Nin la yiraahdo Ibraahim al Khawaas wuxuu yiri “qalbiga waxaa daaweeya shan arimood. Quraanka oo lagu akhriyo tadabur iyo khushuuc. Caloosha oo la baneeyo. Habeenkii oo la tukado. Xilliga suxuurta oo ilaahay dambi dhaaf la waydiisto. Dadka wanaagsan oo la la saaxiibo ama had iyo goor lala joogo KA HAAJIRIDDA XIFDINTA IYO AKHRINTA QURANKA Sidoo kale walaal inaad ka tagto akhrinta iyo xifdinta quraanka wuxuu ka mid yahay waxyaalaha uu qofku uga fogaado ku xirnaanta eebe. Ibnu xajar casqalaani oo ka mid culumada muslimiinta wuxuu leeyahay qofka quraanka barta haddana ka seexda ilaa uu ilaawo waxaan ku tirinaa dunuubta waawayn. Goodi aad u daran ayaa ku soo arooray qofka quraanka siidaaya. Allaah subxaanahu wa tacaalaa wuxuu leeyahay isagoo nooga waramaya rasuulkiisa {wuxuu rasuulku yiri rabiyoow tolkay quraankii waxay ka dhigteen wax laga hijrooday (alfurqaan 30)}. Cabdulaahi ibnu mascuud wuxuu yiri “waxaa haboon qofka quraanka xafidsan in la gu yaqaan arimahan. inuu quraanka ku cibaadayto habeenkii markay dadku hurdaan. inuu akhriyo maalintii marka ay dadku mashquulaan. inaay xalaal miirtaan markay dadku qastaan inaay tawaaducaan (hoos isu dhigaan) markay dadku kibraa. murugoodaan (alle ka cabsi dartii) markay dadku aduunyada ku faraxsan yihiin. ooyaan marka ay dadku qoslayaan Aamusaan marka ay dadku iska hadlayaan (daldalmayaan). Isxaaq ibnu raahwiya wuxuu yiri. Waxaa aad loo necebayhay inay afartan maalmood ka soo wareegto isagoon qofku quraanka akhrin. KA HAAJIRIDDA DHAGEYSIGA QURAANKA Inaad ka tagto dhagaysiga quraanka sidoo kale waa calaamad ku tusaysa in aad ka tagtay quraanka waxaa la rabaa in qofku had iyo goor dhegaysto quraanka kariimka ah. Alaah subxaanahu wa tacaalaa wuxuu yiri {Gaaladii waxay dhaheen ha dhegaysanina quraanka kuna buuqa marka la akhrinayo waxaa laga yaabaa inaad ka adkaataan (fusilad)} ibnu kathiir “wuxuu ku fasiray waxay isu dardaarmeen ha maqlina quraanka hana u hogaansamina amaradiisa” wuxuu eebe amray adoomihiisa “quraanka marka la akhrinaayo dhageysta oo aamusa waxaa laga yaabaa in la idiin naxariisto (acraaf 204)}. ISKU DAAWEYNTIISA OO LAGA TAGO Quraanku wuxuu ka mid yahay waxyaalaha laysku daaweeyo kan ugu fiican nabiga nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee wuxuu dadka ku dawayn jiray quraanka.. Qofka aan quraanka isku daawayn cudurada qalbiga ku dhaca iyo kuwa nafta iyo jirka. Ilaah wuxuu leeyahay {dadoow waxaa idiin timid waano xagga rabigiin iyo daawo xagga qalbiga, hanuun iyo naxariis ayuu u yahay mu’miniinta (yuunis 57-58)} Walaal Quraanku waa daawada ugu fiican ee Alle ka soo dejiyay samada, waa nuur iyo iftiin waa xarig adag oo qofka qabsada ku hanuuniya waxa wanaagsan qofka ka tagana uu lumaayo, waa shafeec maalinka qiyaamo xujo noqda. Kitaabka Quraanka Kariimka ah