Duruusta, Maqaalada, iyo Maxaadarooyinka

Rabi u tawbadkeen

Waxaa qortay: Caasha Cali Xasan
Colombus, OH
USA



{qisadaan waxaa laga soo qoray kitaabka la yiraahdo: azamanu qaadim}
Walaalaha islaamka maanta waxaan hakan idiinku soo gudbinayaa siduu uu xaqa ku fahmay iyo wadadii uu u maray hanuunka Sheikh Adel-Alkalbani. Walaalayaal qisooyinkaan waxaan uga sheekayneynaa iney noqdaan cibro uu ku waano qaato qof kasta oo muslim ah Iyo in Ilaahay (sw) jecelyahay tawbada iyo in adoonkiisa ama adoontiisu ay u tawbad keenaan, siduu quraankiisa ugu yiri, [dadka muslimiinta ahaw toobad keena dhamaantiin inaad liibaantaan ayaad mudantihiine]. Ilaahay (sw) in badana quraankiisa wuu kaga sheekayey qisaskii dhexmaray rusushiisa iyo dadkii loo diray. isagoo rabbi ka hadlayana wuxuu yiri {Rasuulkanow waxaan kaaga waramaynaa qisa mida ugu wanaagsan quraankii aan kuu waxy-ooney}

Hadaba waa mid meesha ku jirta ah in aan wax ka sheegno sida sheikh Adil al-kalbani oo qaari wayn ah kana mid ah imaamada masaajida dalka sucuudiga iyo safarkiisii hanuunka, hadaba sheikh Adil Al-kalbani waa sheikh Ka mid ah shiikhyada loogu yaqaan quraan ahkris iyo codka laga jecel yahay dunida muslimka gaar ahaan jasiiradda carabta oo uu kunool yahay Waxaadna dareemi kartaa markaad booqato Masjidala (Khalid umu- Xamam ) Ee magaalad Riyadh-saudi-Arbia, oo uu shiekhu imaan ka yahay, dad faro badan ayaa masaajidka uga yimaada meelo fog fog gaar ahaan waqtiga bisha ramadaan ee barakaysan. si ay shiekha ula tukadaan salaada Taraawiixda. Hadaba iyada oo aay jiraan ducaad iyo shiekhyo kale oo mudan in la xuso ayaan dooranay maanta sidii sheikha Ilaahay ugu ilhaamiyey dariiqa toosan ee khayrka, isaga ayaa ka sheekeeyey sheikhu waxana uu ku bilabay sidan hoos ku qaran.

Ma ahayn mid baadidiisu weyn tahay, waa run waxaa jirey denbiyo waaweyn iyo sinbiriirixasho taas oo ay naftaydu mas'uuliyadeeeda iska lahayd qoyska iyo mujtamucuna nala wadaagey. Weligey intaan garaadsaday qof salaad iima sheegin weligayna ma tegin meel quraan lagu xifdiyayo, waxaan ku soo noolaaday nolosha sidaas ah, taas oo ay dhalinyaradu manta u badan yihiin. Waxaan ku dhamayn jirey inan cayaaro habeenkii kuna soo jeedo taleefishinka iyo filmaanta. Waxaan isku cayrsan jirey baaskiilada , waxa kale oo aan jeclayn baabuurta, inta aan la nimaadno dariiqyada ayaanu wareejin jirey taas oo cabsi gelin jirtey dadka dariiqa soconaya. Waqtiyada iskuulku xiran yahay ee xagaaga waqtiga waxaan ku dhumin jirney safar ama dalxiis kaas oo caado noo ahaa, heesaha aya noo ahaa kuwo aan qalbiga ku hayno oo aan naga faaruqin waqti kasta, marabo inan galo faah faahin dheer.

Maalin maalmaha kamida ah ayaan hooyaday qaaday si ay u soo booqato mid ka mid ah saaxiibadeed arin anan hada garanayan, waxaan ku sugayey gaariga intii ay ka soo baxaysey, raaadiyaha gaariaga ayaaan shiday inigoo hadba meel geynaya. Wuxuu ku dhacay idaacada quraanka (idaacatu sawtul qur'aan), waaba iyadoo codmacaan oo qalbigayga gilgiley uu akhrinayo qur'aan, runtii waan jiriiricooday, maxaa yeelay waa markii iigu horaysay ee aan maqlo aayad oraneysa (Sakaraatul mowdkii ayaa uyimi nafta mana ahayn midka cararta) Codkaas oo uu akhriyayey sheikh Mohamed sidiiq al-min-shaawi oo aan wada garaneyno. Dhab aahntiii raad ayey igu reebtay kumase hanuunin laakiin waxey noqotay dhagaxii ugu horeeryey ee sababa hanuunkayga.

Hadaba sanadkaas oo ahaa sanad ay dhinteen dad badan oo madax, siyaasiyiin, iyo fanaaniin, waxaan aad ugu fekerey geerida ilaa aan ku dhowaado argagax iyo waali, ma seexan jirin illaa aan aad ugu dhibtoodo raadinta hurdada waxaan akhrisan jirey ducooyin waddo kastana waan isku dayi jirey hase yeeshee cabsidii igama bi'in. Waxaan bilaabay inaan salaad tukado aniga oo dadka muslimiinta kula tukanaya jamaacada, laakiin hadana waan fududaysan jirey marmarna waaba ka cararijirey anigoo kabaqaya geeri, sidee uga cararaa!! ma uu jiro mid loo cararo ilaa mid qura mooyee, waa Allah, Allaha wax dila waxna nooleeya, dadka dhamaantoodna xisaabin doona maalin aan maal iyo ciyaal midna wax tarayn. Maalinta qiyaame maalinta dad dhamaantiis meel qura lagu kulminayo.

Waxaan ku fekeri jirey sida Allaah cirka xidkaha ugu qurxiyey, qoraxda marka ay dayaxa raacdo, aayaadkaas ayaan aad u akhrin jirey. Waxaan ogaa inaan Allah jeclahay xataa waxaa laga yaaba inaad layaabtaan anigoo ku sugan meelo aan Allaah weligeed lagu xusin inaan ku xifdiyeey aayaad, waxaan ogaadey inaaney jirin cid lamagan galo Allaah mooyee, geeriduna ay tahay mid kuu timaada oo aan shaki ku jirin, marka qofka musllimka ah waxa haboon inuu diyaar u yahay, Allaah wuxuu ku yiri kitaabakiisa: (Dadka alle rumeeyey-ow Allaah kabaqa cabsi dhaba hana dhimanina idinkoon muslimiin dhaba ahayn). Walalayaalow ku fekera ayadaan ku fekera hareerihiina ku fekera naftiina oo aayad idiin ah siduu yiri rabi (sw),Nnaftiinu waa ayad miyeydinan rumaynayn, ugu damayntii Allaah ayaan u noqday toobadna weydiistey, waxaan jeclaaday kitaabka rabi ee weyn. Ayaamihii ugu horeeyey e toobadayda waxaan aad ugu xirmay kitaabka rabi ee weyn, markasta oo aan la tukado iimaan masjid waxaa iga yaabin jirey aayaadka rabi ee uu akhrinayo inta aan guriga u noqdo ayaan xifdin jirey. Waxaa dabadeed lay magacaabay inan dadka tujiyo imaana ka noqdo masjid Salahu-diin ee ku yaal Suleymania, dadkii ayana tujiyey saladii tarawiixda ramadaanka sanadkii ugu horeeyey 1405H oo ku beegnayd 1984kii

Anigoo markaa ka akhrinaya kitaab ee aan dusha ka hayn quraanka. Bishii ramadaan sanadkaa ka dib Ilaahay waxaan balan ugu galay sanadka dambe hadii Allaah igaarsiiyo inan quraanka kor ka akhriyo oo an xifdiyo dhamaantiis, taasna Allaah waa ii suuro geliey, dhamaadkii sanadkii1406H Ee sanadkii 1985 ayaan dhameeyey quraanka. Hadaba dhibaatadii iigu weynayd waxey ahayd markaan quraanka xifdiyey Hurdadii aan seexan jirey salaada subax kadib oo aan waayey jadwalka aan degsadey daraadiis, taas oo ay adkayd hadii anan helin rabi kaalmadiis. Xataa waxaa dhici jirtey mar marka qaarkood inaan seexdo iyada oo kitaabku ii saran yahay laabta taas waxey i bartay waqtigaa laga bilaabo ilaa hadda in aanan seexan hurdo salaada subax ka dib.

Taasi waxey ahayd sidii aan quraanka ku xifdiyey, hadaba waxaan ku waaninaya qofkasta oo muslim ah inuu quraanka xifdiyo kuna dhaqmo sida uu muhiim u yahay darteed kaas oo maanta fadliga Rabi darteed lagu daabacay malaayiin masxaf, laguna duubay boqolala cajladood, waa hadii aad doonaysaan dadyahow muslimiinta ahi kheyr aduun iyo mid aakhiro. Allaah ayaan ku dhaartaye samooyinka koryeeylaye ma aanan ahayn mid mudan inuu soo fariisto masjid ama qof ii dhoola cadeeyo ama uu ibarto qof aan weligii i arkin ilaa fadliga kitaabka rabi mooyee. Adoonku qiimo ma leh hadii aanu jirin kitaab-ka rabi ee dhinacyadiisa yaala markasta oo aan xusuusto arinka weynaantiisa ilmo ayaa iga timaada Ilaahay ayaan ka baryayaa inuu ikhlaas camalka iiga dhigo, quraankana ila xiriiriyo markaan dhimanayo, markii ciida laygu rogayo, iyo markii layga soo bixinayo qabriga, Ilaahay hayga dhigo midka la yiraaho akhri sidaad aduunyada u akhrin jirtey, meesha aad degayso waa ilaa aayada ugu damaysa ee aad akhrido !!AMIIN!!