Hijradii Nabigeena suuban (scw) (Q.2aad)

Rasuukeenii suubanaa (scw)

 

markuu yimid magalada barakaysan ee Madiina oo waaga loo yiqiinay (yathrib) markii danabna loo bixiyay madiitu Alrasuul, waxaa loogu soo dhaweeyay siaad u farxad badan, xattaa waxaa layiri ree madiina masoo marin maalin ayka farax badnaayeen maalintuu Nabi Muxamad (scw) uyimid.

 

Dadkii ree Madiina waxay u soo bexeen banaanka iyagoo ku heesayay nashiid aad uqurux badan (dayax ayaa nooga soo baxay buurta wadaac karinteeda, waxaa nagu waa jibay inaan Ilaahay u mahad celino inta Ilaahy jidkiisa naloogu yeerayo…). Saxaabadii ree Madiina oo markii danbe loo bixiyay Alansaar, waxay u soo dhaweeyeen Rasuulka (scw) iyo saxaabadii kala timid Makkah siaad u saraysa una qiimo badan. Rasuulku markuu soo galayay Madiina wuxuu saaraa Hashiisii (Qaswaa) qofkastana wuxuu rabay inuu rasuulku agtiisa dago, isna wuxuu ku oranayay dhaafa iyada ayaa fariisanaysa meesha amar loo siiyo. Markii danbana waxay fariisatay dhinaca gurigii saxaabi la oran jiray Abuuayub Alansaari, isaga ayaan nasiib u yeshay inuu Nabi Muxamad (scw) ladarso.

 

Waxayna Alansaar aad ugu dadaaleen inayna saxaabadii ree Makkah dareemin dhibaatada qurbaha, isbadalka cimilada xoola la´aanta, kadib markay xoolahoodii kaga soo qexeen Makkah.

 

Hadaba hijrada maxaa ka dhashay, maadama aan soo niri hijradu waxay ahayd dhacdo wax weyn ka badashay hirgalintii iyo ku dhaqankii Islaamka. Rasuulkeenii suubanaa wuxuu ku dhaqaaqay 3arimood oo waaweyn siay usuura gasho  dhaqan galin Islaam oo sax ah:

1.  wuxuu dhisay Masaajid markii danbe loo bixiyay Masjid Alrasuul. Dhismaha Masaajidku wuxuu ahaa arin aad u farax badan, oo Rasuulka laftiisu uu kaqayb galay isagoo ku luqaynaya tix gobay ah, (Rabbiyaw khayr majiro aan ahayn khayrka Aakhiro, ee u naxariiso Ansaar iyo Muhaajiriin). Dhismaha Masajidku wuxuu lama-huraan u yahay bulshada Muslimka ah, si loo helo saldhig lagu tukado, oo lagu muujiyo Tiirka weyn ee Islaamka-Salaada, illaa salaadu waa halkudhaga iyo Tiirka ugu weyn Diinta, uguna muuqaal badan. Sidoo kale Masaajidku wuxuu ahaa goob ay Muslimiintu isugu yimaadaan siay ubartaan Diintooda, ugana tashadaan danahooda, isuna ogaadaan xaaladahooda, waxa ay qabaan iyo waxa lagudboon intaba. Intaa waxaa sii dheer inuu masaajidku ahaa Rugta saraakiisha ee laga qorsheeyo arimaha difaaca iyo dagaalada, waxaa kaloo uu ahaa guriga martida ee Rasuulku uu ku qaabilo martida iyo wufuuda u imaanaysa intaba.

 

2.  Rasuulkenii wuxuu sameeyay arin kaloo aad muhiim u ah oo wuxuu walaaleeyay Saxaabadii, maadama ay saxaabadiisu kala ahaayeen laba qaybood, qayb ka soo haajirtay magaalada Makkah iyo qayb ku noolayd Madiinah. Qaybta ree Madiina waa dad jooga deegaankoodii haystana beerahoodii, xoolahoodii, watana ganacsigoodii shaqoyinkoodii iwm. Qaybta soo haajirtayna waa dad soo qaxay oo kasoo cararay dhulkoodii, kana soo tagay xoolahoodii, qaarkoodna kaba soo tagay xattaa xaasaskoodii. Hadii larabo in ladhiso bulsho midaysana oo is-jecela waxaa lama huraan ah inay nolashooda iyo qalbigooda laysku soo dhaweeyo, laysu soo celceliyo, hadii kale lama helayo walaalimo sax ah iyo iskaashi xeel dheer. Ninkasta oo Ansaar ah waxaa lala walaaleeyay nin Muhaajir ah siuu ula wadaago nolosha, dagenaanta iyo xoolaha intaba. Ansaara waxay xil adag iska saareen inay walaalahood ku soo dhaweeyan wax alle waxay haysteen, xattaa ay qaarkood ku dheehen walaalahood iisheeg labdayda xaas midkaad jeceshahay waan kuu furi kadibna waad guursanaysaa!  

 

3.  Heshiiskii Madiina; magaalada Madiina waxaa wada daganaa umado kukala duwan diimaha, dhaqamada iyo  luqadaha intaba, Carab, yahuud iwm. Rasuukuna wuxuu u sameeyay Heshiis ay kuwada nooladaan siloo helo nabad galyo, dagenaan iyo kalsooni buuxdo, maxaa yeelay Islaamku sidiisaba waa nabad galyo. Wuxuuna siadag u xarimay in dhiig ladaadiyo, ama naf uu Rabbi abuuray si aan xaq ahayn loo dilo, ama loo dhawoco. Kalimada Islaamna waxay katimid salaam oo ah nabad galyo, magacyada ilaahayna waxaa kamid ah Asalaam, Janada magacyadeedana waxaa kamid ah Daaru Alsalaam. Sidaa darteed Islaamku wuxuu kukoraa ku fidaa markasta meel ay nabadi iyo xasilooni kajirto, xattaa haday dadka qaarkood aaminsanyihiin waxyaaba kale oo aan Islaam ahayn. Xattaa Quraankuna wuxuu naga reebay in dadka lagu qasbo qaadashada Islaamka, oo waxaa larabaa qaadashada Islaamku inay noqoto rabitaan ku dhisan faham iyo garsho sax ah.

 

Sadexdaa dhidib ee waaweyn (Xarun ama santar laga hago Diinta, walaalimo isu duntay mulimiintii iyo Heshiis nabad dhexdhigay umadihii wada daganaa magaalada Madiina) ayay ku dhisantah bulshadii u horaysay ee islaamka lagu istaajiyay.

 

Lasoco q.3aad ee xusuustii Hijradii nabigena (scw)

 

Axmad Cabdulahi,