qardhaawi.com, qardhaawi, Cabdiqani Maxamed cali xagaa
kala Soco jawaabaha dhamaantood
Su'aasha 3aad
walaal su,aasha aan hayo waxaa ay tahay sidaad lasocotaan wadankeena waxaa kadhacay burbur iyo barakac baahsan oo daafaha aduunka loo kala hayaabay hadaba su,aashaydu waxaa weeye ninka kamida shacab weyna somalia ayaa waxuu qabay xaas ulahayd xiligaa sadex caruura xaaskii waxay utarhiibtay wadanka yaman ayadoo ku xiren ninkeedii kadib waxaa lasoo sheegay in doontii gabadhu raacday ay degtay oo dadkii saarnaa ay kuwada dhinteen intaas markay dhacday ayaa ninkii gabadha qabay waxaa lasiiyay gabadhii kayarayd kadha layiri waa dhimatay xiskiisan ahaan ayaa loo siiyay gabadhii danbana waxay udhashay ninkii laba caruura markii sida lafilay ay gabadhii maqnayd laba sano iyo dhowr bilood oo ayana lagu tirinayay uun aakhiro ayaa gabadhii hore waxaa laga soo tarxiilay wadanka sacuudiga kadibna waxay soo beegsatay gurigii reerka oo xamar kuyaalay marka su,aasha meesha taal waxaa weeye labada gabdhood ee walaalaha ah ee labadaba si sharciya loo guursaday una wada ilma dhalay halnin teebaa furmaysa teebase noqonaysa xaaskii ninkaa aan asagu galin wax khalad oo ku tala gala maxayse noqonaysaa xaalada cuurta gabadhii danbe macaamulka labada caruur ee walaalaha ah siiba markay qaan gaaraan xaga kala xijaabashada waysada ,isguursiga
afiidunaa afiidakumulaahu