Maqaal

 

Sh.C/Khaaliq Jaamac Ismaaciil    Email: darwiish101@gmail.com 


Fashilka & Asbaabtiisa

Ilaahay kor ahaaye waxa uu nolashan ka dhigay mid uu yaalo loolan iyo siraac aad u badan oo qofka kagama imaanaya meelo fara badan si toosana u saamaynaya Himilooyinkiisa & Mashaariicda uu ku taamayo inuu fuliyo.

Hadaba waxaa jira dad badan oo Ahdaaftooda u mara inay ku xaqiijiyaan si jamaaci ah (wadajir & iskaashi). Ahdaaftaasi ha ahaato kuwo dacawiya oo ku wajahan bulshada ama ha ahaato kuwo kheyri ah sida ururada samafalka iwm. Hadaba waxaa marag ma doona in dadkaasi ay soo wajahaan arimo badan oo sababa inay ku fashilaan muraadkoodii & inay gaadhaan Himilooyinkoodii, mararka qaarkood waxaa dhacda in Mashruuc lagu bixiyo wakhti badan, kharash badan, soo jeed iyo dhafar. laakiinse markii la hirgaliyo ay dhacdo in la xifdin Kari waayo lagana badbaadin Kari waayo fashal iyo burbur, meel cidla ahna lagaga dhaqaaqo. 

Gobanimo waxaan haybinaba waa la soo helaye   Ha yeeshee sidii loo hantaa hadal ka joogaa.

 Markaad u fiirsato Mu'asasaatkii dumay ama taariikhda ku yeeshay baalasha madow waxaad arkaysaa inay isu dhawdhaw yihiin arimhii aasaaska u noqday in lagu daro qaa'imada & liiska kuwa fashilmay.

Taa macnaheedu ma'aha inuu fashilku yahay Miino (khaldaa ma saxo) oo hadii aad mar fashilanto inaadan dib wax u saxi Karin, balse in badan wuxuu ku dhaxalsiiyaa khibrad & waayo aragnimo kugu xanbaarta inaad dib u saxdo wixii kaa khaldamay, cagtana aad la hesho toobiyaha & tubta toosan. Akhristaw waxaan qoraalkan uga dan leenahay bal inaan wax ka nidhaahno asbaabaha keena inay fashilmaan Mu,asasaatku ha ahaadaan kuwo dacawiya,samafal,waxbarasho iwm.Iyadoo ay badan yihiin Asbaabtaasi waxaan ka tilmaami karaa kuwan soo socda oo ay iila muuqatay inay yihiin kuwa keena fashilka & burburka.

 1.     Aqoon Daro: Aqoontu waa furaha guusha, waana ta keenta in la soo hooyo guulo waaweyn oo lagu naalaado. Waa geedka ay ummaduhu beertaan si midhihiisa waligood u goostaan, hadba heerka aqooneed ee ummadi leedahay waxa uu ka turjumayaa hadba sida uu mustaqbalkeedu u eekaan doono. Hadaba hadaan la yeelan aqoontii loo baahnaa ee lagu hogaamin lahaa ururka ama hay,ada waxaa hubaala inuu soo degdegayo fashal & burbur baaxad leh oo aan la hor istaagi karin.

Hadaba si fashil looga baadbaado waa in kor loo qaado heerka aqooneed ee ay leeyihiin hawl wadayaasha ururku ama hay'adu.

2.     Khibrad daro: khibradu qiimo aad u weyn bay ku fadhidaa marka laga hadlayo in isbadel la sameeyo ama in qof shaqo loo diro, mararka qaarkoodna waxaa dhacda in qof lagu xusho khibradiisa isaga oo aan markaa la eegin inuu shahaado wato & in kale. Hadaba haday dhacdo in dadka shaqada wadaa aanay lahayn wax khibrada waxaa hubaala in dhibta ay keenayaan ka badanayso dheeftoodo. Sidaa daraadeed waa in qiimo weyn la siiyaa khibrada iyo waayo aragnimada uu leeyahay qofka hawsha loo dirayaa.

3.    Shaqsi aan Munaasib ahayn: Marar badan waxaa dhacda in hawsha uu hogaanka u qabto qofkii aan munaasibka ahayn ama aan ku haboonayn taasi oo keenta guuldarooyin waaweyn. Waxaad suuraysataa qof aan dareewal ahayn oo loo dhiibay bus ay saaran yihiin dad rakaabi. Maxay tahay natiijada laga fili karaa saw maaha in loo diyaar garaabo sidii loo kala tirin lahaa dhimashada & dhaawaca. Sidaa daraadeed waa in hawshaa loo diraa qofka ku haboon ee la filayo inuu horumar gaadhsiin karo.

4.     Kawaadir yari: Ururada iyo hayadaha waxaa hogaamiya horumarna gaadhsiiya dad ku sifoobay aqoon iyo waayo aragnimo aqoon xeel dheerna u leh hawsha ay qabanayaan, kana badbaadiya fashalka, una ifiya dhabada saxda ah, soona bandhiga talooyin wax ku oola oo uu ku shaqeeyo Ururku ama hay'adu ama Dowladu. Hadaba hadii ay yaradaan kawaadirtaasi waxaa marag ma doona in mu'asasadaasi dumayso. Si hadaba fashal looga badbaado waa in la diyaariyo laguna tabco hogaamiyayaashii Bari hanan lahaa urukan ama hay'adan ama Dowladan.

5.     Danaystayaal: waxaa jira dad badan oo iyagu dhex muquura hawsha la wado, meeshana u jooga sidii ay u fushan lahaayeen dano iyaga u gaara, danna aan ka lahayn in hawshu guulaysto iyo inay dunto toona.Kuwaasi waa khataraha ugu waaweyn ee soo food saara Mu'asasaatka marar badana ay adkaato in la garto ama la fahmo.Si kuwaa looga baadbaado waa in daacadnimada  qiimo weyn la siiyaa laguna qiimeeyo qofka hadba inta daacadnimadiisu le'eg tahay oo aan lagu kadsoomin or-oradka iyo xiiqsanaanta badan ee ka muuqata danaystaha. Ilaah baa OG qofka mukhliska ah iyo ka kale laakiin waxaa jira calaamaad badan oo ka soo daahira dadka daacada ah.

6.     Hawsha oo lala gaar noqdo: ibnu aadanku waxa uu wax isugu darsadaa inuu wadaagi karo wada tashiga iyo wax is weydiinta, xaqna u yeesho inuu ka war qabo meesha loo socdo iyo waxa la maagan yahay. laakiinse haday dhacdo in kooxyari afduubta hawshii sida ay doonaana ka yeelaan dadka intiisii kalena ay u eekaadaan

  Shimbiryahow Heesa  -- Hees wanaagsan qaada -- Kaalaya Hortayda -- Halkan soo Fadhiista

Haday taasi dhacdo waxaa hubaala inaan kala tag la hurayn, ayna ka dhalaynayso in lagu fashilo muraadkii & ujeedooyinkii la rabay in la gaadho. Si taas looga badbaado waa in hawsha iyo talada la wadaagaa Lana fahmaa inaan qofna laga maarmin taladiisa.Taa macnaheedu maaha inay dadku noqdaan garbo siman oo aan hawsha la kala lahayn ee arinta aan ka hadlaynaa waa in hay'adii ama ururkii ama Dowladii ayna noqon meel dhawr qof u af duuban.

7.     Khilaafaadka Daakhiliga ah: hadii Muranka iyo is Maandhaafku bato, hadii la kala dhamaan waayo, hadii gaadhiga Nin isteerinka qabto Nina bireega qabto, hadii la isku wareero, hadii qofba qofka kale dhibsado, hadii la isku xajiimoodo. Waxaa xaqiiqa in dadkaasi aanay meel gaadhahayn, noqonayaana kuwo iyagu door biday inay fashilmaan. Si arinkaa looga badbaado waa in laga fogaadaa sababaha keena Ismaandhaafka, aqoona loo yeeshaa sida loo maareeyo khilaafaadka, Lana xoojiyaa sababaha keenaya wadajirka & Midnimada.  

8.      Kalsoonida oo lunta: kalsoonidu waa halbowlaha shaqada, waa ta keenta in mudo badan la wada socdo, hawlana la wada wado. Waa ta keenta inaan dhaliilaha loo fiirsan khalad kasta oo yimaadana lagu qaabilo niyad wanaag & in la isu cudur daaro. Hadaba hadii kalsoonidu lunto waxaa meesha soo gala in la istuhmo, in la is lugooyo, in khaladkii yimaadaba qolo gaara loo tiiriyo, inaan wanaaga la isu qirin, in laga shaqeeyo sidii ururka ama hay'adaba loo mijo xaabin lahaa, in la isku been abuurto, in sumcada la iska weeraro, in dadkii shalay wada socday cadow isu noqdaan iwm. Haday taasi dhacdo waxaan filayaa inaan guul loo fadhiyin, jabkuna yahay ka lagu tashaday, xaaladu sidsa ay ku danbaynaysana waa mid la saadaalin karo.

Si kalsoonida loo xoojiyo waa in la  fiiriyaa shaqada qofku qabanayo ee aan isaga shaqsiyan loo eegin, waana in malaha la isu wanaajiyo Lana gartaa qofku isaga oo is leh wax hagaaji inuu khalad gali karo.

 9.     Sumcada oo la dhawri waayo: Sumcadu waa ta keenta in kalgacal loo qaado hay'ada ama ururka, keentana in la helo in dad badan kula garab istaago Hiil & Hoo, kuguna kaalmeeyo hawsha aad wado. Hadiise la lumiyo sumcada iyo Haybada waxaa dhacaysa in lagaa dareero, hareerahaagana aad ka weydo cid ku garab istaagta, casariyahana lagugu cabo , magacaaguna in badan  ku soo noqnoqdo goobaha fadhi ku dirirka, aadna yeelato cadow badan oo isu diyaariya sidii ay kaaga takhalusi lahaayeen, booskaagana u buuxin lahaayeen.

Sidaa daraadeed waa in sumcada la dhawraa lagana fogaadaa waxyaalaha keenaya magac darada & in haybadu lunto, Lana ilaaliyaa sharafta & karaamada.

 10.     Dhaliilaha oo laga Faaiidaysan waayo: Cid kasta oo ku dhaliilaysaa maaha inay ku neceb tahay ama ay doonayso inay ceebahaaga faafiso ee waxaa jira dad badan oo la jecel ururka ama hayada ama Dowladaba wanaag iyo horumar, doonayana inaad khaladaadkaaga saxdo , marka laga yimaado kuwa adiga wanaag kula jecel xitaa waxaa laga faa'iidaystaa dhaliilaha cadawgu kuugu duur xulayo. Hadiisa ay dhacdo inaan dhaliilaha la dhagaysan qof kastana lagu tuhmo inuu cadaw yahay ama uu leeyahay dano gaara, una socdo inuu wax dumiyo waxaa xaqiiqa inuu fashalku soo degdegayo ayna adag tahay in la baajiyo.Si aan loo fashilmin waa in dhaliilaha la qaataa Lana dhagaystaa, oo la saxaa khaladaadka farta lagu fiiqayo, Niyad wanaagna la muujiyaa.

 11.     Talooyinka oon dhag jalaq loo siin: Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Talada adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola. Waxaa jira dad badan oo ilaahay waafajiyo talada saxda ah, in badana soo bandhiga talooyin wax ku ool ah oo hadii la dhagaysto lagu badbaadayo laguna badhaadhayo laakiinse waxaa isku fuuqsada boqolkaan aqaan kaa akhrisan maayo, gabyaagii soomaaliyeedna waa tuu lahaa Dhaaxaan jalaalugay Dheg baan jalaq la ii siine.

Hadiise lagu gacan saydho talooyinka iyo waanooyinka ay soo jeedinayaa dadka Talo qabeenka ahi waxaa laga dhaxlaa inaan hore loo socon, fashalkuna noqdo midhaha la goostay ee lagu khasaaray. Si hadaba fashil looga badbaado waa in talooyinka la qaataa Lana weeleeyaa laguna dhaqmaa.

 12.     Anaa Mudan: waxaa ku dhacda ururada & muasasaatka in qof loo dhiibo inuu hawsha wado masuulna ka noqdo ka dibna ay adkaato sidii meesha looga wareejin lahaa, taasi oo sababta in laguba mashquulo, wakhti badana la galiyo sidii qofkan meesha looga qaadi lahaa. isaguna u tafa xayto, kooxna u samaysto sidii aanu u dayaci lahayn kursigan iyo jagadan qiimaha badan ee uu nasiibka u helay kuna doodo xagaad jirteen intaan anigu dhibtoonayay, miyaad ila qaybsateen dhafarkii iyo dhakafaarkii aan u maray hawshan, ma markii midhaha la wada arkay baa la soo qamaamay.Arinkani waa guuldarooyinka ugu waaweyn ee ku habsada ururada & hay,adaha sababana in dagaal aan kala go lahayn oo dhex qarxo Aanaa Talin & Mucaaradkiisa loona adeegsado dhaqaalihii ururka sidii loogu dagaalami lahaa. Si looga badbaado arinkaa waa inuu jiro qorshe cad oo qof kasta qeexaya shaqadiisa & mudada uu hawsha wadayo, waa inaanay dhicin in hal qof la kaliyoobo hawsha. Sidoo kale waa in laga fiirsado qofka hormuudka laga dhiganayo inta aan waxba loo dhiibin.

 13.     Anaa quman: Waxaa dhacda in la horumar laga sameeyo dhinacyo badan ayna suura gasho in wax badan oo lagu fakarayay loo badalo ficil muuqda oo la arki karo. Guulahaas la gaadhay waxaa ka dhashay marar badan in la is mahadiyo Lana moodo in isku filnaansho la gaadhay cid loo baahan yahayna ayna jirin, cagtana lala helay dhabadii saxda ahayd.

Hadii aragtadani noqoto mid saameyn yeelata waxay sababtaa talo xumooyin badan, ka fiirsasho la'aan, iyo in la garan waayo in ibnu aadanku daciif yahay baahida iyo dacfiguna yihiin kuwo ku lamaan basharka oo aan ka zuulayn. Si arinkaa looga baadbaado waa inaan la is mahadin. Lana fahmaa in qabku sababo guuldarooyin naxdin leh.

    Anaa dunida kaligey leh baa koofil eersaday ** Kaskiiba ma gelin wiil yarbaa keebka kuu qabane ** Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa hala ogaado.

 14.    Guuldarooyin isdaba Jooga: Marka laga hadlayo guusha macnaheedu ma'aha inaan ka hadlayno xaalad dagaal. Laakiin Dowladuha, Ururada iyo Hay'aduhu waxay leeyihiin yoolal ay hiigsanayaan oo ay doonayaan inay ku guulaystaan. Hadaba haduu soo noqnoqdo fashilku waxay keentaa niyad jab badan iyo in loo xiisi waayo in hawsha la sii wado. Waxay kalo sababtaa in laga yaaco ururkii ama hay'adii laguna biiro kuwo kale oo la filayo inay guushu xagooda jirto . Taasi waxay keentaa marar badan in ururkii ama hay'adii badasho magacii si ay isugu eekaysiiso muuqaal kale una yeelato waji cusub & Magac hor leh oo ay bulshada ku dhex mushaaxdo. Sidaa daraadeed waa in la isku dayaa inaan raadkii dib loo raacin wixii shalay la khaldayna aan maanta lagu celin. Lana dhuuxaa xadiiskii Nabiga (nnk) ee ahaa (Mu, minka hal god laba jeer lagama wada qaniino).Waa in si feejigan loo talaabsadaa, daraasaduna noqotaa mid laga hor mariyo wax isku dayga.

 15.     Hadafka oo aan cadeyn: Inta aan dadka la ururin ama aan la isukeenin waa inuu jiraa hadaf cad oo la doonayaa in la gaadho, markaa ka dibna la abaabulaa dadkii hiigsan lahaa yoolkaa isaga ah, loona sharxaa meesha bar tilmaameedku yahay. Marar badan waxaa dhacda inaad aragto hal urur oo xaanbarsan afkaaro aad u kala fog amaba aan isku ujeedo ahayn.Hadii taasi dhacdo waxaa soo degdega Ismaandaaf fara badan & inaan hawsha la wada qaban. Koox walibana ku hawl gasho sida ay iyada wax ula muuqdaan. amaba ay dhacdo inay iyagii is dabraan meeshii laga rabay inay horumar sameeyaan.

Waxaad suuraystaa hal gaadhi oo toban isteerin leh, isteerin kastana uu dareewal ku fadhiyo.Si hadaba taa looga badbaado waa in wakhti badan lagu bixiyaa in la sharxo hadafka ururka ama hay'ada, meesha loo socdo & waxa la rabo ee dadkan la isugu keenay.

 16.    Qorsheyn la' aan:  Si hawshu habsami ugu socoto waa inuu jiraa qorshe degsan oo la raacayo si loo xaqiijiyo ahdaafta qiimaha badan ee la isku waafaqay in la gaadho. Qorshayaashaas oo la fulinayo hadba inta awoodu gaadhsiisan tahay. Laguna xadeynayo mudooyin loogu tala galay in marba mid la fusho. Laakiinse waxaa dhacda in ururo badani karti u yeelan waayaan inay la yimaadaan qorshe cad oo ay ku hawl galaan xubnahoodu, taasi oo keenta in wakhti badani lumo ka dibna lagu kala dhaqaaqo, qof kastaana si shaqsi ah u tashado ururkiina noqdo magac u yaal aan wax qiimo ah lahayn.

Waxaa laga yaabaa inaad wax badan aragto urur ay xubnihiisu aad u badan yihiin laakiin ku fashilmay in wax qorsha ah uu la yimaado. Si taa looga baadbaado waa inaan la moogaan inaan qorshe la'aan  meel la gaadhi Karin laguna guulaysan Karin ujeedooyinka la rabo in la hiigsado. Sidaa darteed waa in qorsheynta la siiyaa ahmiyad gaara Lana daraaseeyaa oo la bartaa hababka & qaababka qorsheynta loo sameeyo. Waxaa la yidhaa hadaadan waxba qorshayn waxay la micna tahay inaad fashil qorshaysay.

 17.    Fulin la'aan: Waxaa la isugu yimi oo hay'ada ama ururka loo sameeyay in la fuliyo hawl galo muhiimadooda leh taasi ayaa sababtay in la isa soo uruursado Lana door bido in hawshan la wada qabto, taasi ayaa sababtay in qorshe la diyaariyo si loo fuliyo.

Akhristaha qaaliga ahow waxaase dhacda in marar badan lagu guul daraysto in hawshii la fuliyo shaqaduna ay soo dhaafi weydo afkaar qurux badan oo maskaxda ka dhex guuxaysa.

Hadaba haday meesha ka baxdo in qorshihii la fuliyo waxaa iska cad inaanu qiimo samaynahayn magacan quruxda badan ee lala baxay iyo jagooyinkan faraha badan ee lagu taxay xubnaha ururka sida gudoomiye, ku xigeen, xoghayan, xisaabiye, gole tashi, gole fulin iwm. Sidaa daradeed waa inaan garano in qiimuhu yahay waxa la qabtay ee aanu ahayn waxa la qoray.

 18.    Isbadelka oo laga baqo: Ha noqoto isbedel lagu sameeyo Maamulka, Qorshaha, Xubnaha, qaab dhismeedka ururka iwm.

Marar badan waxaa dhacda in insaanku ka baqo inuu isbedel sameeyo isaga oo is leh armaad wax badan lumisaa ama ay meesha soo galaan dad aan la fahmeyn oo aan la xakameyn Karin, taasi oo keenta in la baasaysto isbedelka, laguna tuhmo qofkii ka hadla isbedel inuu leeyahay ajande qarsoon oo uu doonayo inuu fushado, mijaxaabiyana Dowladii ururkii iyo hay'adii sidaa darteed loo baahan yahay in qofkaa il gooni ah lagu eego loogana digo xubnaha kale ee ururka si aanu uga dhaadhicin balaayooyinkan uu la wareegayo. Hadaba hadii isbedelka loo qaado colaad gaara, loona arko in wax badani lumayaan hadii lagu talaabsado waxaa marag ma doona inaan la fahmin sababtii la isugu yimid, ayna dhici doonto burbur iyo kala tag aan la hakin Karin.

Akhristaw sida loogu baahan yahay horukac ayaa loogu baahan yahay in isbedelku noqdo joogto. Isbadelku waa qaababka shaqada lagu dardar galiyo, laguna abuuro kalsooni buuxda oo ka dhex dhalata xubnaha dhamaantood. Waana hubka lagula dagaalamo kuwa ujeedooyinka gaarka ah leh ee dhex boodaya shaqada iyo hawsha la wado & kuwa hawlgabka noqday ee daalku dabray.

 19.     Taxadarka aadka u badan: Shay kasta wuxuu leeyahay xad iyo heer loo baahan yahay inaan laga sare Marin lagana hoos Marin. Hadaba markaan ka hadlayno taxadarka waa ficil qiima badan hadii aan laga badbadin ama aan si saayida ah loo adeegsan. Waxaa marar badan dhacda inuu taxadarku dhaliyo inaan hawl lagu talaabsan, Lana aamino hadii midig loo dhaqaaqo in god lagu dhacayo, hadii bidix loo dhaqaaqana in biyo ku qaadayaan hadii hore loo socdana in lala kulmayo masiibooyin aan la maareyn Karin, markaa ka dib ay taladu ku soo ururto inaan far la dhaqaajin, dhaqdhaqaaqana la yareeyo. Ficilka noocaas ahi wuxuu horseedaa in shaqadii istaagto ururkii ama hay'adiina ay noqdaan fadhiid laga tashado laguna xisaabiyo hawl gab.

Akhristow si looga badbaado taa waa inaan fahano in loo baahan yahay marar badan in la qaato go'aan adag, horu socodkuna noqda ka lagu balamay Lana dareemo in iska fadhigu marar badan ka khatar badan yahay isku day la' aanta. Odhaah baa ahayd (The trouble is, if you don't risk anything, you risk even more)

 20.     Deg Dega: Degdegu waa ficil xun, ayna haboon tahay in la iska ilaaliyo lagana dheeraaado. Imisa guuldaro ayuu degdeg sababay? Imisa khasaare ayaa degdeg dhaliyay? Imisa masiibo ayuu degdeg soo jiiday? lama tirin karo masiibooyinka waaweyn ee uu degdegu sabab u noqday. Waxaan filayaa in Taariikhdu marag u tahay Lana heli karo tusaalooyin aad u fara badan . Degdegu waa ficil halisa ee soo dadejiya fashillo is daba jooga oo xalkoodu adkaado. Sidaa darteed waa in laga dheeraado degdega Lana xasuusto inuu yahay dabinada shaydaanku dhigo si uu dadka u seejiyo talada saxda ah.

21.     Shaqada oo aan Qaybsanayn: Si hawshu u fududaato, loona koobo wakhtiga, loogana faa'iidaysto khibradaha kala gadisan ee ay leeyihiin xubnaha uruku waa in hawsha la qaybsadaa, qof kastana lagu beegaa meesha uu ku haboon yahay,loona diraa shaqo uu qaban karo  lagana rabo inuu ku gabagabeeyo mudo xadidan. Loona sheego inuu masuuliyadeeda qaadayo fashil & guulba. Hadiise ay dhacdo inaan shaqada la qaybsan waxaa timaada inay dhacdo isku halayn, iyo inay adkaato in la garto cida dhaliisha leh ee hawsheedii dayacday & Meesha wax ka khaldameen. Waxaa timaada in la isku riixo guuldarada Lana garan waayo waxa dhacay iyo siday wax u dhaceen. Sidaa dardeed waa in shaqadu qaybsan tahay qof kastana uu qaado masuuliyad buuxda oo ku aadan hawsha loo diray.

22.      In la fahmi waayo ujeedooyinka ururka:   waa la arkay magacan quruxda badan waana la fahmay inuu urur ama hay,ad yahay laakiin:

Muxuu rabaa?Muxuu yahay?Muxuu doonayaa?Muxuu qabtaa?Yaa wada?Yaa ka danbeeya?Maxaa isu keenay?Maxay qabteen?Xagey wax geeyaan?Muxuu faa'iido leeyahay?

Su'aalahan iyo kuwa la mid ihi waa kuwa ku wareega maskaxda ibnu aadanka markay maqlaan urur ama hay'ad. Hadaba haday dhacdo inuu ururku is sharaxi Kari waayo ama bulshada ka dhaadhicin Kari waayo waxay yihiin & waxay rabaanba waxay sababtaa in ururku ku koobnaado intii aasaastay, noqdaana koox yar oo go-doona shaahana kuwada cabta xaruntooda iyaga uun kulmisay.

 Arimahaasi waxay keenayaan in la waayo taageeradii bulshada uuna noqdo ururku ama hay'adu mid shaki hadheeyay, madmadow badanina ka sokeeyo, ayna adag tahay in lagu dhiirado taageero loo fidiyo. Sidaa daraadeed waa in sharax badan laga siiyaa bulshada la rabo taageeradeeda ujeedooyinka ururka & ahmiyada uu u leeyahay, Si ay u fahmaan meesha loo socdo & dawrka kaga aadan iyaga.

Sabatoo ah dadku ma fahmi karaan waxaad qalbiga ku hayso laakiin waxay wax ku qaybsan karaan ficilkaaga & waxay kaa arkaan ama kaa maqalaan.

 23.     Qorshayaal badan oo aan la Awoodin: In qorshe la dejiyaa waa arin lagama maarmaana la'aanteedna aan horumar lagu talaabsan Karin balse waxaa laga maarmaana inay noqdaan qorshayaashaasi kuwo la awoodi karo Lana fulin karo sida lagu gaadhaana ay suurogal tahay. Laakiinse waxaa in badan dhacda in qorshe la dejiyo isaga oon la fulina hadana kuwa kale la dejiyo, caadana laga dhigto in marba mid la isku qaado isagoon la dhamaystirin kii hore hadana mid kale lagu boodo. Ka dibna Isdaba marka iyo yaacyaacuna noqdaan astaan & sumad uu leeyahay ururkani. Mararka qaarkood waxaa dhacda in la dejiyo qorshe laakiinse aan qorshaha lagu darsan ma la fulin karaa mase la awoodaa. xubnihiina lagu daaliyo arimo ayna waxba ka qaban Karin oo ka baxsan awoodooda & daaqadooda. Ka dibna markay arkaan inaan meesha waxba laga qaban Karin ay danahooda ka raacaan. Sidaa dardeed waa in la caadaystaa in qorshe kasta lagu dhameeyo wakhtigii loogu tala galay. Waana in la qorsheeyaa hadba inta awoodu gaadhsiisan tahay.

24.      Tayo Daro & Tiro Badan: Ninbaa lagu yidhi inaadeerkaa wuu guursaday markaasuu yidhi (Tolkay Tayuu Rabaa ee Tiro Ma Rabo).Aalaaba ururadu waxa ay xoogga saaraan sidii ay u heli lahaayeen dad badan oo ka mid noqda umana aaba yeelaan tayada qofkani leeyahay.Arimahan waxay soo jiidaan guuldarooyin waaweyn oo aan xisaabta lagu darsan. dadka aan tayada lahayn waxay noqdaan kuwa ugu horeeya ee curyaamiya ururka ama hay'ada, haday bataana kaba sii daran. Sidaa daraadeed waa in lagu baraarugaa in dad kooban oo tiro yari ka waxtar badan yihiin daadxoor la isu keenay.

25.     Dusha oo laga bilaabo: wax kastaa waxay leeyihiin meel laga bilaabo iyo meel ay ku dhamaadaan. Markaan eegno koriinka ilamaha waxaan la wada soconaa inuu maro maraaxil kala gadisan ilaa uu ka noqdo qof dhamaystiran. Sidoo kale hadii la rabo in guri la dhiso waxaa lagaa bilaabaa aasaaska ilaa laga gaadho in jiingada la saaro. Hadiise la yiraahdo waa in jiingada/tarniiga laga bilaabaa si aan u dhakhsano, wakhtigana u soo koomo, muraadkeenana u gaadhno, waxaa hubaala inaan xal laga gaadhahayn, lagalana kulmayo fashil baaxad leh oo ay adkaato si looga soo kabto. Sidaa daradeed waa in la gartaa in arimaha oo heraarar maraa ay ka mid tahay sunanta kawniga ah.

26.     Waqtiga: Wakhtigu wuxuu dawr muhima ka ciyaaraa guusha & guuldarada labadaba. Arin Barri suuro gal ah ayey adag tahay in Maanta la sameeyo, mid maanta ku haboon ayaan loo baahnayn in Barri loo dib dhigo. Sidoo kale arin maanta aad tageero ku heli karto ayaa laga yaabaa inaadan Barri ku helin. Sidoo kale Arin maanta fulinteeda ay ka dhalanayaan dhibaatooyin badan ayaa laga yaabaa hadii lala sugo wakhtiga ku munaasibka ah inay fulinteedu sahlanaato. Waxaa kaloo muhiim ah in shaqada aan korka laga saarin cid aan waqti u hayn oo mashquulsan,si kastoo khibrad,aqoon iyo daacad u tahay. Sidoo kale waa inaysan shaqada horarsan cid aan waqti u ahayn, si kasta oo ay umadan tahayba. Badanaa waxaa howlaha maamulka horarsada dadka magaca raadinaya iyagoon awoodin inay kabaxaan, magac xumanaana ka raacda inta badan.

Waxaa la yiraahdaa siyaasadu waa Inaadan jaaniskaaga ka hor dhicin kana dib dhicin. Sidaa daraadeed waa in mashaariic badan wakhtiga loo fiiriyaa. laguna baraarugaa in guuldarooyin badani ka dhasheen damac la damcay in shaqadii Barri maanta la qabto.

27.       Xisaabtan La'aan: Ma'aha macnaheedu inaan lacag ka waramayno laakiin waxaan ka hadlaynaa micne intaa ka guda weyn oo ah in si dhaba loo xisaabtamo lana qiimeeyo Dowlada, Hay'ada ama Ururka. Maxaa qabsoomay? Maxaanse qabsoomin? Maxayse u qabsoomi waayeen? Maxaan saxnay? Maxaanse khaladnay? Maxaan fulinay? Maxaase dhiman? Ma gaadhnay ujeedooyinkeenii? Mise wali waxbaa hadhay? Maxaa laynagu dhaliilayaa? Maxaa ka jira? Maxaanse ka qabanay? Maxaan khasaarnay? Maxaanse faaiidney? Maxaa kharasha oo baxay? Muxuu ku baxay? Maxaase loo bixiyay? Suaalahan & kuwo la midka ahi waa inay noqdaan joogto si aan loo hambaabarin mar xeedho iyo fandhaal kala dhaceen oo aan waxba la qaban Karin.

28.        Xidhiidh La'aan: Xidhiidhku waa arimaha ugu muhimsan marka laga hadlayo in shaqadu u socoto si habsami ah. Hadiise ay dhacdo in hay'ada ama ururku ku guuldaraystaan xidhiidhka ay la leeyihiin bulshada  amaba ay lunto isku xidhnaanta dhexdooda ka dhaxaysaa waxaa imaanaysa kala go & kala tag. Sidaa daraadeed waa in mar kasta la xoojiyaa xidhiidhka lala leeyahay bulshaweynta & isku xidhnaanta hawlwadayaasha.   

29.      Dhaqaale la'aan?: Dhaqaaluhu waa lafdhabarta howl kasta oo la doonayo in la dhaqaajiyo, marka laga hadlayo Dowlad, Urur ama hay'ad waa in gacanta lagu hayaa dhaqaale sanadeedka loo dajiyey Mu'asasadaas, tusaale ahaan hadii kharasha lagama maar maanka ah uu yahay $100. 000 sanadkii, waa in aan walwal laga qabin lacagtaas heli deeda. Hadii ay dhacdo in la waayo dhaqaalihii loo baahnaa oo ay ugu muhiim santahay howl wadeenada mu'asasadaas mushaarkooda, waxaa dhacaya fashil wayn iyo in shaqaalihii meelo kale ka raadiyaan mushaar ama in magacii Dowlada, Ururka ama Hay'ada si khaldan loo adeegsado oo uu noqdo tiimbare qof jeebka ugu jira oo laga gato marka loo baahdo. Sidaa daraadeed waa in khasnada ay ku jirtaa dhaqaalaha shaqada lagu fulinayo, waa in howl wadeenada iyo howlaha dhaqaale la'aan tiis aan la dhaqaajin karin  kharashkoodu mala awaal iyo rajo ahayn.

30.     Sabirka oo yaraada: Shaqo kastaa waxay u baahan tahay sabir, guushuna hal saac oo la sabro ayay ku timaadaa. Hadaan sabir imaan marnaba la gaadhi maayo muraadka la leeyahay, Sidaa daraadeed waa in lagu sabraa loona dhabar adaygaa culays kasta oo xaga shaqada ka yimaada noocuu doonaba ha ahaadee. Akhristaw waxaan filayaa inay sababuhu intaa ka badan yihiin laakiinse aan doorbiday inaan halkaa ku joojiyo.

Wixii aan saxay ilaahay baa I waafajiyay wixii aan khaldayna naftayda iyo shaydaan bay ka ahaatay.

F.G  wixii dhaliila iigu soo hagaaji fariinsidahayga 

Maqaalkii hore ee Sidee Loo Xaliyaa Mashaakilaadka? (Q-1aad) Akhri...

   Sh.C/Khaaliq Jaamac Ismaaciil  
  Email: darwiish101@gmail.com