Geerida
Ayaa
Waano Noogu filan
Waxaa diyaariyey
Cabdiqani M. Calixagaa (qardhaawi)
Marka U horaysa waxaan dadka u dardaarmaynaa cabsida alle, sida allaah uu quraanka kariimka ah noogu sheegay{dadyahaw mu’miniinta ahi haddad Eebe ka cabsataan oo ka dhowrsataan wuxuu iddin yeelayaa faraj (nabad gelyo) wuxuuna asturi dambigiina. (anfaal 29)}. Sida aynu wada ogsoonahay Eebe nooma abuuran
dheel-dheel wax walbana waa naloo kala cadeeyey. Ajasha (mudada) qofka loo qabtay waa wax kooban, qof walibana maalin ayuu dhimanayaa laakiin yididiilada iyo waxyaalahu qofku had iyo goor ku fakeraa waa mid aan dhamaanayn. Waxaan maalin walba aragnaa qof dhintay ama mayd la sii wado, ma ku fekertay marna xiliga
aad adiguna dhimanaysid. Dadka ahlu cilmiga ah (aqoon yahanada diinta) waxay yiraahdaan markay ka hadlayeen dadka geerida iyo Eebe ilaaway, [ dadka geerida ilaaway wax kasta oo ay ururshaan ma dhergaan, mana gaaraan waxa ay ku fekerayaan
(yididiilada), aduun aan wax tarayn ayay ururiyaan, meel ayan degayna ayay dhisaan,
aduunyo aanay gaarayna way ku fekeraan.] siduu Eebe quraankiisa ugu yiri, { iska dhaaf ha cuneen oo ha raaxaysteen waxaa mashquuliyey yididiilada ay ku jiraan goor dambe ayaay ogaan doonaan.( al xijri 3)}. Sidoo kale wuxuu Eebe yiri { ka waran haddan u raaxayno sanado ka bacdina uu u yimaado wixii aan u yaboohnay (geerida
iyo cadaabaka), maalkii ay ku raaxaysanayeen
waxba u tari maayo maalintaa.(Shucaraa 205-
207)}.
Qofkasta oo muslim ah waxaa laga doonayaa
in uu had iyo goor xusuusnaado dardaarankii
Nabigeena nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha
ahaatee, wuxuu yiri {waxaad had iyo goor
xusuustiisa badisaan kan macaanka iyo raaxada
gooyo oo ah geerida}. Waa hadal kooban oo
aad ka fahmi karto waxyaalo aad u tiri badan
kuna xusuusinaya meesha aad maanta joogto
iyo waxa kaa dambeeyo in
aad had iyo goor sahay u
qaadato meesha aad barri
tagi doonto.
Shiikh culumada muslimiinta
ka mid ah ayaa wuxuu
yiri [ ilaah ayaan ku dhaartaye
qof kasta oo nool
inaga inaka mid ah wuu
dhimayaa ka bacdina wuu
baaliyoobayaa
(dhamaanayaa jirkiisu)
dabadeedna dhulka ayaa
cuni jirkeena iyo dhiigeena
sidii aan hore dhulka wixii
ka soo baxa aan u cuni jirnay,
dabadeedna waxaa
imaanaya Eebe hadalkiisii
ahaa { Marka suurka
(buunka) la afuufo waxaa
suuxi doona (dhiman
doona) cidkasta oo joogta dhulka iyo samada
ilaa ciddi eebe doono maahee , dabadeed
markale ayaa la afuufi doonaa Waxaa la arki
dadkii iyagoo wada taagan oo qabrigii ka soo
baxay ( zumar 68)}.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Nabiga
(nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha
ahaatee) wuxuu soo aaday dhinaca
qabuuraha si uu uga qayb galo qof
la aasayay, markuu nabigu soo
gaaray qabriga afkiisa ayuu
nabigu fariistay wuxuu bilaabay
inuu ooyay, ilmadii nabiga ka
soo baxday ilaa ay qoysay
ciidii saarnayd qabriga daantiisa,
saxaabadii nabigu waxay
bilaabeen inay aamusaan iyago
la yaaban oohinta nabiga oo
hore loogu dhaafay dambigiisa,
wax yar ka bacdi ayaa nabigu
isaga oo ooyaaya wuxuu saxaabada
ku yiri “walaalahaygiiyow tan oo kale
u diyaar garooba waxay soo maraysaa qof
kasta oo idinka idinka mid ah”. Nin ayaa
nabiga wuxuu waydiiyay qofka dadka u caqli
badan, wuxuu nabigu yiri “dadka had iyo goor
xusuusta geerida oo had iyo jeerna u diyaar
garooba, kuwaasaa ah kuwa dadka u caqli
badan, waxayna la tageen sharaftii aduunyada
iyo karaamadii aakhiro” (ibnu maajah).
Sidaan ognahay dadka maanta qabuuraha ku
jiraa waxaa laga yaabaa inay ahaayeen dadka
aduunka u raaxa badan una waqti (cimri)
dheeraa, ama dadka ugu sharaf badan, maantana
waxaa guryo u noqday qabuuraha, waxaa
wehel u ah mugdiga, darisna waxaa u ah lafaha
dadkii hore u geeriyooday, maalkoodii waa la
qaybsaday, waxaa dhab ku noqotay Eebe
hadalkiisii aaha { ma waxaad moodeen in aan
idiin abuunay dheel-dheel oo marnaba xagayaga
aydan u soo noqonayn (mu’minuun 115)} .
Marna walal ma ku fekertay maalinta aad dhimanaysid,
maalinta aadan lahayn xeelad aad
uga fakato geerida, marka geeriduna kuu
timaada qoomamo ku anfacayn, hadda ayaad
haysataa waqti waxaad hor istaagi doontaa
Eebaha aan wax ka qarsoomi karaa aanan jirin
sida Eebe quraankiisa ku yiri {maalinta eebe
laydiin soo bandhigi doono, maalintaa wax
Eebe ka qarsoomaya aanan jirin ( alxaaqa 18)}.
Sidoo kale wuxuu alle noo sheegay qofkasta
inuu dhimayo wuxuuna ku yiri quraanka kariimka
ah, { Naf waliba waxay dhadhaminaysaa
geerida, maalinta qiyaamana qof waliba wixii
camal ah uu la yimi ayaanu siinaynaa, qofkii
laga dheereeyo naarta janadana la geliyo wuu
liibaanay, nolosha aduunyaduna waa nolol wax
kadisa. (aala cimraan 185)}.
Inaad had goor xusuusnaato geerida kana
fakarto wixii camal ah oo aad samaysay waxay
ka mid tahay waxyaalaha Eebe loogu dhowaado,
wax kasta ood aduunkaan ku haysatana
aduunka ayaad uga tagaysaa waxaa ku raacayaa
camalkaaga, haddii uu yahay mid xun
waxaad la kulmaysa wax xun hadii uu
wanaagsan yaahayna waxaa la kulmaysaa wax
wanaagsan, marka Eebe loo tagana wuxuu eebe
oran { waxaad maanta noo timaadeen qof waliba
isagoo kaligii ah sidii aan markii hore idiin
abuurnay wixii aduunka aad ku hayseena
gadaal ayaad uga timaadeen.
Waxaa walaalayaal waano iyo wiciid noogu
filan geerida}.