Ka Haajiridda Quraanka
Waxaa diyaariyey
Imaam maxamed Caaqil
Waayadaaan dambe waxaad moodaa dadka
muslimiinta ah in ay ka tageen kitaabkii quraanka
ahaa. Umadda muslimiintu haday ay u noqon
lahaayeen kitaabka quraanka way liibaani
lahaayeen, waxayna ka bixi
lahaayeen dhibta manta
haysata, sida nabiga
calayhi salaatu wa salaam
uu xadiis dhexdiis ku yiri
ilaahay dulli idinka saari
maayo ilaa aad u noqotaan
diintiina.
In laga tago quraanka
macnaheedu waxaa weeye
in aadan akhrin, in aadan
dhagaysan, inaadan ku
dhaqmin, in aan layku xukumin,
iyo in laga tago tadaburkiisa
ama loo leexdo waxyaalo kale.
Aan ku horayno camal fal la’aanta quraanka,
wuxuu allaah subxaanahu wa tacaalaa leeyahay
{Miyeydan ahayn kuwo lagu akhriyay aayadahayga
ka dibna aad beeniseen}. Walaalayaal
qofka quraanka bartay oo aan ku camal falin,
maalinta qiyaamaha wuxuu ku noqdaa mud ku
markhaanti fura. Wuxuu nabiga nabad gelyo iyo
naxariis korkisa ha ahaatee yiri “quraanku waa
kuu doodaa maalinta qiyaamaha oo alle agtiisa
ayuu markhaanti kuugu noqdaa inan akhrin jirtay
oo ku dhaqmi jirtay. Ama wuu kugu doodaa
oo allaah agtiisa ayuu markhaanti kuugu noqdaa
inaad dayici jirtay quraanka.
QURAANKA OO AAN LA ISKU XUKUMIN
Quraanka oo aan laysku xukumini waxay ka
mid tahay dunuubta waa wayn oo dadka u
keena inay diinta uga baxaan. Alaah subxaanahu
wa tacaalaa wuxuu yiri {cidii aan wax ku xukumin
waxaan soo dejinay kuwaasi waa kuwa
gaaloobay}. Quraanka ooaan laysku xukumin
wuxuu la mid yahay inaad ka tagtay ama ka hijrootay
quraanka. Aayad kale allaah wuxuu ku
leeyahay { sidaas ayaan ku soo dejinay xukun
carabi ah }
QURANKA OO AAN LAGU TADABURIN
AMA LAGU KHUSHUUCIN
Qofku haddii uu ka tago fahamka, ku fakarka
iyo ku khushuucidda quraanka waxay la mind
tahay isagoo ka haajiray. Allaah subxaanahu wa
tacaalaa wuxuu yiri { Miyaysan fiirfiirinayn
quraanka oo ay ku fakerayn, haddii uu ka imaan
lahaa cid aan alla ahayn waxay ka heli lahaayeen
in uu quraanku iska horyimaado (an-nisaa
82)}.
Nin la yiraahdo Ibraahim al Khawaas wuxuu
yiri “qalbiga waxaa daaweeya shan arimood.
Quraanka oo lagu akhriyo tadabur iyo khushuuc.
Caloosha oo la baneeyo.
Habeenkii oo la tukado.
Xilliga suxuurta oo ilaahay dambi dhaaf la waydiisto.
Dadka wanaagsan oo la la saaxiibo ama had iyo
goor lala joogo
KA HAAJIRIDDA XIFDINTA IYO
AKHRINTA QURANKA
Sidoo kale walaal inaad ka tagto akhrinta iyo
xifdinta quraanka wuxuu ka mid yahay
waxyaalaha uu qofku uga fogaado ku xirnaanta
eebe.
Ibnu xajar casqalaani oo ka mid culumada muslimiinta
wuxuu leeyahay qofka quraanka barta
haddana ka seexda ilaa uu ilaawo waxaan ku
tirinaa dunuubta waawayn.
Goodi aad u daran ayaa ku
soo arooray qofka quraanka
siidaaya. Allaah subxaanahu
wa tacaalaa wuxuu leeyahay
isagoo nooga waramaya
rasuulkiisa {wuxuu rasuulku
yiri rabiyoow tolkay
quraankii waxay ka dhigteen
wax laga hijrooday
(alfurqaan 30)}.
Cabdulaahi ibnu mascuud
wuxuu yiri “waxaa haboon
qofka quraanka xafidsan in la
gu yaqaan arimahan.
inuu quraanka ku cibaadayto habeenkii markay
dadku hurdaan.
inuu akhriyo maalintii marka ay dadku mashquulaan.
inaay xalaal miirtaan markay dadku qastaan
inaay tawaaducaan (hoos isu dhigaan) markay
dadku kibraa.
murugoodaan (alle ka cabsi dartii) markay
dadku aduunyada ku faraxsan yihiin.
ooyaan marka ay dadku qoslayaan
Aamusaan marka ay dadku iska hadlayaan (daldalmayaan).
Isxaaq ibnu raahwiya wuxuu yiri. Waxaa aad
loo necebayhay inay afartan maalmood ka soo
wareegto isagoon qofku quraanka akhrin.
KA HAAJIRIDDA DHAGEYSIGA
QURAANKA
Inaad ka tagto dhagaysiga quraanka sidoo kale
waa calaamad ku tusaysa in aad ka tagtay
quraanka waxaa la rabaa in qofku had iyo goor
dhegaysto quraanka kariimka ah.
Alaah subxaanahu wa tacaalaa wuxuu yiri
{Gaaladii waxay dhaheen ha dhegaysanina
quraanka kuna buuqa marka la akhrinayo
waxaa laga yaabaa inaad ka adkaataan
(fusilad)} ibnu kathiir “wuxuu ku fasiray waxay
isu dardaarmeen ha maqlina quraanka hana u
hogaansamina amaradiisa” wuxuu eebe amray
adoomihiisa “quraanka marka la akhrinaayo
dhageysta oo aamusa waxaa laga yaabaa in la
idiin naxariisto (acraaf 204)}.
ISKU DAAWEYNTIISA OO LAGA TAGO
Quraanku wuxuu ka mid yahay waxyaalaha
laysku daaweeyo kan ugu fiican nabiga nabad
gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee wuxuu
dadka ku dawayn jiray quraanka..
Qofka aan quraanka isku daawayn cudurada
qalbiga ku dhaca iyo kuwa nafta iyo jirka. Ilaah
wuxuu leeyahay {dadoow waxaa idiin timid
waano xagga rabigiin iyo daawo xagga qalbiga,
hanuun iyo naxariis ayuu u yahay mu’miniinta
(yuunis 57-58)}
Walaal Quraanku waa daawada ugu fiican ee
Alle ka soo dejiyay samada, waa nuur iyo iftiin
waa xarig adag oo qofka qabsada ku hanuuniya
waxa wanaagsan qofka ka tagana uu lumaayo,
waa shafeec maalinka qiyaamo xujo noqda.
Kitaabka Quraanka Kariimka ah