asalaamu calaykum
marka hore waxaan naftayda iyo taadaba ku baraarujinayaa in ilaah laga cabsado loona noqdo kitaabka iyo sunada.
intaa ka bacdi suaashadii haddii aan u soo noqdo waxaad sheegtay in aad ninkaagii ka codsatay inuu ku furo iyadoo wax dhib ah uu kuu gaystay ayan jirin walina uu isag raali ka ahayn sidaasna uu kugu furay, haddaba waxaan kuu sheegayaa marka hore ilaahay u toobad keen maxaa yeelay nabigu haddii haweentu ay ninkeeda ka dalbato furiin iyadoo ayan wax cudurdaar ah jirin wuxuu ku dambiyada waawayn. marka waxaan ku leeyahay inad diinta islaamka sharciyadeeda ku ciyarto ma haboona ee ninkaagii ku noqo haddi ay jirta fursad aad ugu noqoto sida inaad ku jirto cidadii ama uu hal dalqo kugu furay oo cidadii dhamaatay oo uu nikaax cusub sameeyo.
jazaka laah