a/c walaal marka hore naftayda iyo taadaba waxaan ku waaninayaa cabsida ilaahay, marka xiga waalidkaa oo dhintay haddii xaj lagu lahaa waa inaan ka gudaa, nabiga nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee wuxuu sheegay in daynta ilaahay in lagudo ay muhiim tahay, haddii waalidkaa lagu lahaa xaj ka gud, adiguna ajar ayaad ka helaysaa inshaa allaah