Asalamu calaykum walaal arintaa aad ka hadlaysid waa arin runtii ay keentay dhibta haysta dadka soomaalida ah meel kasta ha joogeene arintaan mid u eg ayay ka hadlaan culumada fuqahada ah arintaa oo ah "imra'atu mafquud" waa haween ninkeedii la waayey waxayna dhahaan xaakinka ayaa arinkaa xukumaya waqti mudo aha u qabanay sida laba sano ama saddex sano in warkiisa lagu radiyo hadii la waayana waxaa lagu xukumaa in uu dhintay, haweentana ciddo ayay tirsanaysaa 4 bilood iyo toban casho ah markii mudadii la qabaty ay dhamaato, hadii marka soo baxo isagoo naagtiisii la guursaday waxay culumadu dhahaa waxaa la kala doorgalinaa inu uu haweentiisa ku noqdo oo ninkaan dambe oo guursaday laga furo ama inuu saa ku daayo oo ninkaan dambe ay u joogto. haddaba arinkaas ayaa waxay ku qoran tahay kutubta fiqiga laakin saad sheegtay haddii naagtii la waayey oo loo badiyey in ay dhimatay khabarkeeda oo la waayey awgeed ninkiina uu guursaday walaasheed ka yar haddi ay mudo kabacdi soo baxday ninka ayaa la kala door galinya midii uu furi lahaa tii hore ama tii dambe laakin marna islama qabi karo ilmuhuna walaal waa walaalo oo waxba kala xijaaban maayaan waa hadii lagu xukumay gabdhaasi in ay dhimatay markii tii dambe loo guurinyayey wa bilaahi tawfiiq